Al-Shabaab oo Burburiyay Qubuurihii Sh.Muxyidiin Celi,Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Cali Muumin iyo qubuuro kale ee ku yiilay Magaalada Muqdisho

Waaliga Gobolka Banaadir  Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa saxaafada u sheegy inay kooxdiisa Al-shabaab ay wacad ku martay inay wada bur burin doonaan dhamaan Qubuuraha Culimada diinta ee Soomaamiyeed , iyagoo sheegay in Soomalida qaarkeed i ay caabudaan Qubuurta Mashaa'iikhdaasi sidaasi darteedna ay  burburinayaan dhammaan Qubuurta caanka ah ee la siyaarto

Ciidamada Al-Shabaab ayaa saakay ugu horayntii bur buriyay Qabriga Sheekh Aadan Dheere oo ku yaala agagaarka Xararyaale iyo kan Sheekh Cali Muumin oo isna ku yaala xaafada laba dhagax ee degmada Wardhiigley.

Mashaa’ikhdaan ayaa la sheegayaa in qabuurahooda laga soo saaray lafahoodii, iyadoo labadaasi Sheekh uu Sheekhooda ahaa Sheekh Muxyadiin Celli, waxayna Al-Shabaab bilaabeen inay ugaarsadaan Qabuuraha Culimada Islaamka ee ay sida wayn u qadariyaan Ummadda Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn ula yaaban dhaqankaan ay la soo baxeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo ay ku doodayaan Al-Shabaab in Qabuurahaasi ay faageen ay ahaayeen kuwo la caabudi jiray, hase yeeshee arrintaasi waxaa been ku tilmaamay iyo diin la’aan Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celli.


 Xalay fiidkii ayay gudaha u galeen Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab Mowlaca Sheekh Cali Cabdule ee ku yaala Xaafada Arjantiin  ee Degamada Karaan, waxayna gabi ahaanba Bur bursheen Qabrigii uu ku aasnaa Sheekh Cali Cabdule oo ahaa sheikh si weyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya.

Goob-joogayaal ah ayaa noo sheegay in xalay habeenimo ay Ciidamadu bur bursheen oo ay qodeen qabrigii uu ku aasnaa Sheekh Cali Cabdule, islamrkaana ay halkaasi jawaan ku qateen Lafihii Sheekha.

Burburinta iyo faagida Qabuuraha Culumadii hore ee Diinta Islaamka soo gaarsiiyay Soomaaliya  ayaa waxay daba socotaa qorshe maamulka Al-Shabaab ku beegsanayo dhamaan Qubuurta Nuucaasi oo kale ah, lamna oga wax ay uga dan leeyihiin arrintasasi.
 
shalay ayay ahayd markii qabuurihii Sheekh Muxudiin Celli sidaan oo kale ay u burburiyeen Ciidamad Al-Shabaab,islamarkaana uu




Add New Comment