Gudoomiyaha maamulka degmada Hodan ee dowladda KMG ah oo sheegay in ciidanka Dowladda iyo kan AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Af hayeen Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Qeylow ayaa sheegay in  Dowlada KMG ah ee Soomaaliya dagaalkii ay shalay la gashay kooxaha Mucaaradka inay  kula wareegtay qeybo badan oo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dowladda waxa ay la wareegtay qeybo kamid ah xaafadda KPP , waxaana la sheegaya saldhiga Hodan  inay iskaga baxeen Xisbul Islam iyadoo la xaqiijiyay in ciidamada dowladda aysan gaarin weli saldhigaasi hayeeshee iminka uu yahay mid banaanoo aanu cidina kujirin ,Ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradkana waxay isku horfadhiyaan  dhinacyada Saldhiga .


Madaxa howlgalka ururka Xisbul Islaam Maxamed Cusmaan Caruus ayaa wuxuu sheegay iyaga in weerar lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen.

Waxaa uu intaa ku daray in qasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamo dowladda KMG ah oo uu sheegay inay weerarka ku soo qaadeen, hasa ahaatee ma jiro warar madax banaan oo arrintan xaqiijinaya.

Dagaalka oo la'isku weedaarsaday madaafiic iyo hub kale ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmada Hodan oo qaarkood madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen.

Sidoo kale waxaa ka hadlay gudoomiyaha maamulka degmada Hodan ee dowladda KMG kaasoo sheegay inay la gebi ahaan la wareegeen gacan ku heynta degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Add New Comment