Madax ka tirsan Dowladda KMG ah iyo Ahlusuna wal jamaaca oo dhamaadka bishan ku kulmaya Magaalada Muqdisho.

Gudiyo labo geesood ah oo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa lagu wadaa in dhamaadka bishan ay ku kulmaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulankan oo noqon doona kii u horeeyay ee labada dhinac ku qaataan magaalada Muqdisho marka laga reebo xiriirro khadka telefonka ah oo dhex maray, ayaa waxaa uu xoojin u yahay heshiiskii dhowaan ay ku saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasoo labada dhinac ku soo heshiiyeen iskaashi millitari oo dhex mara.

Wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in dhamaadka bisha uu dhici doono kulankii u horeeyay kadib heshiiskii Addis Ababa, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulankan lagu lafa-guri doono qaabka awood qeybsiga iyo xilalka ay Ahlusuna ka qabanayaan Dowladda dhexe.

"Marka ugu horeysa kulankaas waxaa lagu ambaqaadayaa xoojinta heshiiskaas, iyo sidii isu soo dhowaansho loo sameyn lahaa"ayuu yiri Dr. Khaalid oo ka gaabsaday wararka sheegaya in Xukuumaddu soo dhameys tirtay Jagooyinkii lagu soo heshiiyey in Ahlusuna ku fadhiisato.

Mideynta kaarto dagaaleedka ay labada ciidan ku howl-gelayaan ayaa ah muhimadda ay isku arkayaan Saraakiisha labada dhinac ee Xagga Militariga, halka dhanka Siyaasaddana ay Xukuumadda iyo madaxda Ahlusuna ka munaaqishoon doonaan.

Ahlusuna ayaa bilihii ugu dambeeyey waxay tababarro xiriir ah u fureen ciidamo fara badan oo kor u dhaafaya 20,000 labaatan kun, iyadoo qalabkoodii dagaalna lagu diyaariyey bakhaarro ku yaalla degaanada ay ka arrimiyaan.

Add New Comment