Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Iyo Wafdigii Uu Hoggaaminayey Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdigii  uu hogaaminayey ee beryahan booqashada ku marayey dalka Switzerland ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ra'iisul-wasaaraha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiweli Sh. Axmed ayaa wadanka Switzerland uga soo qeyb galay shir caalami ah oo uu soo qaban qaabisay ururka shaqaalaha adduunka ee loo yaqaano ILO, wuxuuna intaa ku daray in madaxda ururkaasi uu kulamo la qaatay islamarkaana ay balan qaadeen mashaariic kala duwan oo ay ka hirgeliyaan dalkeenna.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli ayaa intii uu joogay dalkaasi waxaa uu kulamo la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo uga warbixiyay xaaladda dalka ka jirta iyo dadaallada dowladda ee ku wajahan sidii dalkeena looga sifeyn lahaa cadowga Alshabaab loona gaarsiin lahaa horumar dhinac kasta ah.


Add New Comment