Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaa la joogaa xilligii Wax-qabadka+sawirro


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay kal-fadhiga 4-aad ee golaha baarlamaanka, isla markaana ka jeediyay khudbad uu kaga dalbaday xildhibaannada in loo baahan yahay in caqabadaha jira si midnimo iyo wadajir leh looga gudbo.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa inuu kal-fadhigii afaraad uumaanta si rasmi ah idiin kugu furmayo. Waxaa la joogaa waqtigii wax-qabadka. Sannadkan 2014-ka waxaan na horyaalla dib-u-eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo billaabidda nidaamka dimoqraadiyadda, si aanu gaarno ujeeddooyinkaas waa inaan hir-gelinno doorasho ka dhacda dalka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada siiyay warbixin la xiriirta howlgallada ciidan ee Al-shabaab lagula jiro, isagoo sheegay in baacsiga Al-shabaab ay keeni karto khatar loona baahan yahay inaan dalka ka sifeyno.

“Maalin walba waxaan ka saarnaa Al-shabaab goobo muhiim ah oo shacabku ay ku heleen neecaw nabadeed. Waxaana billownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gar-gaar lala gaaro dadka ku nool deegaannada la xoreeyo, maamulo KMG ah loo sameeyo, in laga hir-geliyo hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul-wanaag iyo adeegyada bulshada si dadka deegaannadaas ku nool ay uga tashadaan aayahooda,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

afaraad00.jpg


Add New Comment