Degmada Qoryooleey oo si buuxda uga baxday gacan xoogagga Al-Shabaab


Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, kaasoo xoogaggii Xarakada Al-Shabaab ee halkaasi horey ugu sugnaa ku qasbay in ay degmadaasi isaga baxeen.

Warar dheeraad ah oo ka imanaya degmada Qoryooleyna waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmada, ayna wadaan howlgallo baaritaan ah oo lagu sugayo amniga.

Weerarkan ay ciidamadu ku qabsadeen degmada Qoryooley ayaa qayb ka ah qorshaha ay ciidamada huwanta ah ku doonayaan in ay Al-Shabaab kaga saaraan dhammaanba degmooyinka ay kaga sugan yihiin bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.



Add New Comment