Dowladda Soomaaliya oo ku amartay Hay'adda WFP inay qaybiso gargaarka ugu keydsan Bakhaarrada ku yaalla Gudaha Dekedda Muqdisho


Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa sheegay inay amar ku siiyeen Hay'adda WFP inay raashinka ugu keydsan bakhaaradeeda u qaybiso dadka ku dhibaateysan Muqdisho iyo daafaheeda.

Wasiirka ayaa sheegay in maalinta Arbacada ah ay kulan la qaadan doonaan xubno ka tirsan hay'adda WFP si ay uga dhaadhiciyaan in raashinka keydka u ah ay u qaybiyaan dadka dhibaateysan.

"Raashinka ku jira Bakhaarada ay hay'addu ku leedahay Muqdisho way dhacayaan haddaan dadka loo qaybin, waan taas midda aan amarkan u bixinnay" ayuu yiri Prof. Ibbi oo sheegay in raashinkan la siinayo dadka dhibaateysan.

Hay'adda WFP ayaa horraantii sannadkan joojisay howlihii ay ka haysay gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya kaddib markii uu iyaga iyo Xarrakatul Shabaab uu soo dhexgalay khilaaf ku saabsan qaabka ay hay'addu ku shaqeyso.

Dadweynihii ka barakacay Muqdisho ayaa ku sugan daafaha caasimadda oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ah, iyadoo aan la garanayn qaabka ay hay'addu ku gargaari karto dadkaas, maadama ay horay u joojisay howlaheeda deegaannadaas.

Waa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Soomaaliya bixiso amar dadka loogu qaybinayo gargaarka Hay'adda WFP ee ku xareysan Bakhaarada ay ku leedahay Magaalada Muqdsiho.


Add New Comment