Qoraaga Shariif Saalax Maxaned Cali oo maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday


Allaha u naxariistee waxaa maanta Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali oo ahaa guddoomihii gudigga qoray farta Soomaaliga oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee bur burtay 1991-kii.

Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali,ayaa ahaa shaqsi can ah oo si weyb looga garanayo Soomaaliya,isagoona qeyb weyn ka soo qaatay barnaamijo dhowr ah oo lagu hormarinayay Farta Soomaaliya.

“Aniga Shariif Saalax waxaan isku baranay Masar sanadkii 1963-dii oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Masar, waxaa kaloo uu guddoomiye u ahaa gudiggii qoray farta Soomaaliga oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Sheekh Kadarre, Jaamac Maxamed Qaalib iyo rag badan oo caan ah oo ay dajiyeen xaruufta ay ku qoranyihiin farta Soomaaliga iyo naxwihiisa” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goob-doon.

Cabdi Xaaji Goobdoon mar uu ka hadlayay xilakii uu soo qabtay Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax ayaa yiri “Xilalka aan xasuuto ee uu soo qabtay waxaa mid ahayd waxa uu noqday Guddomiyihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Wasiirkii Tacliinta sare ee dowladdii dhexe, waxaa kaloo uu soo maray dhowr Wasaaradood, waxaana uu ahaa shaqsi si aad ah u qadariya dadka ay wada shaqeynta kala dhexeyso”.

Alle Ha u naxariistee marxuum Shariif Saalax oo ahaa nin ku weynaa Bulshada Soomaaliyeed waxay ku xusuusan doonaan waxyaabo aan la ilaabi Karin oo dalka u qabtay,sida kor u qaadista Farta Soomaaliya iyo arimo kale oo muhiimsa.


Add New Comment