Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magaalada Berne kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Switzerland


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Geneva kula shiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier, kulankaasi ayaa ka dhacay xarunta dawladda Federalka Switzerland ee magaalada Berne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Switzerland howl-gallada ay dawladdu ku baacsanayso Nabad-diidka Al-Shabaab, mudnaanaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha Soomaaliya ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa kulanka ku wehelinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay (Geneva), Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil “Bari-Bari”

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dawladeed, waxaa Soomaaliya ay leedahay oo u shaqaynaya baarlamaan iyo Xukuumad, waxaase wali jira caqabado badan oo laga gudbi doono.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

“Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaasi bur burinta ku haysa diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa looga hadlay intii uu socday xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda Soomaaliya ay u baahantahay. Wasiirka Arrimaha  Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier waxaa uu sheegay in ay taageero ku bixinayaan xoojintya dhismaha dawladeed. Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ay dawladiisu gacan ka gaysan doonto arrimaha baniáadanimo ee la gaarsiinayo goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka Al-shabaab isla markaana uu qorshaynayo in uu soo booqdo dalka Soomaaliya  dhowaan.

“Waxaan soo dhoweynayaa xiriirka labada dawladood iyo sida ay Switzerland u jeceshahay in ay uga qayb qaadato dib-u-dhiska dalka, bishii hore ayay ahayd markii ay Switzerland dib-u-soo magacaabeen Safiirka Switzerland  ee Soomaaliya u fadhiya kadib 30 sano, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii ay Switzerland u sii xoojin lahayd taageerada ay uga qayb qaadanayso dib-u-dhiska dalka.

Switzerland waxaa ku nool ku dhowaad 10,000 oo Soomaali ah, waxaana ku dhiiri galinaynaa Soomaalida Switzerland  in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya  isla markaana ay uga faaíideeyaan wixii ay barteen dalka Soomaaliya. Xukuumaddu waxaa ay dib-u-soo noolaynaysaa hayádaha dawladda kadib 23 sano oo bur bur ah.”  Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

sveits_1.jpg


Add New Comment