MADAXWEYNE GEELLE: “Waan sii wadaynaa dagaalka lagula jiro Argagaxisada”


Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadlay kaddib markii xalay maydadka lix askari oo Jabuutiyaan ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, ayaa sheega inay ka go’an tahay inay la dagaalamaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso.

Geelle ayaa ku timaamay askarta ka dhimatay inay ahaayeen geesiyaal ku dhintay meeshii ugu wanaagsanayd ee ay ku dhiman lahaayeen, isagoo xusay inay yihiin shuhaddo dhintay iyagoo shacabka Soomaaliyeed ka celinaya wuxuu ugu yeeray argagaxisada Soomaaliya.

“Askartan waa geesiyaal naftooda u huray iyagoo dagaal kula jira argagaxisada ku habsatay Soomaaliya, si ay shacabka Soomaaliyeed uga dul-qaadaan, waxaana oran karaa waa shuhaddo,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti, ayaa sheegay inay sii xoojinayaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso dhibaato ku haysa dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dagaalku uu sii socon doono, ayna Soomaalida ka caawiyaan sidii ay uga hoos-bixi lahaayeen wuxuu ugu yeeray argagaxisada.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inay ducadeenna, wax-siinteenna iyo wixii ay nooga baahdaan aan mar walba la garab-taagannahay ciidamadeenna ku sugan Somalia iyo kuwa aan u diri doonno si ay dalkaas nabad ugu soo dabaalaan,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in ehellada ay ka geeriyoodeen askartii xalay maydadkooda la geeyay Jabuuti ay xukuumaddu gacan-siin doonto, isagoo sheegay inaysan marna illaawi doonin howshii ay qabteen.

Askarta maydadkooda la geeyay Jabuuti ayaa waxay ku dhinteen dagaalladii iyo weerarkii ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, iyadoo askar kale oo ku dhaawacmay weerarkaasna lagu daweynayo Isbitaalka AMISOM ee Xalane.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay qayb ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyadoo ciidamadeedu ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan, iyagoo todobaadkii lasoo dhaafay ay hormuud u ahaayeen qabshada degmada Buulo-burte oo ahayd degmo ay Al-shabaab gacanta ku hayso.


Add New Comment