Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo shirar ku leh magaalada Dhuusa-mareeb


DhMr.jpgDegmada Dhuusa-marreeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay illaa maanta shirar kala duwan ay uga socdaan wafdi ka socda dowladda Somalia oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno iyo xubno ka tirsan maamulka Ahlusunna Waljamaaca.

Waftigan ka socday dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana qayb ka ah wasiirrada gaashaandhigga, ammaanka, warfaafinta iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, waxaana halka ay gaareen gellinkii dambe ee shalay.

Mudane C/llaahi Goodax oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa wuxuu sheegay in socdalkooda uu salka ku hayo u kuur-gelidda xaaladda deegaanka iyo sidii loo dar-dar-galin lahaa la-dagaallanka Al-shabaab, wuxuuna ku daray in dowladda ay garab-taagan tahay bulshada Galguduud.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo qaaday inuu farayo shacabka gobolka  Galguduud inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka.


Add New Comment