Dr. Cabdiraxmaan D. Beyle oo bogaadiyay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulisay Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun, oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga  u dhaxeeya labada dal .

Kulankani ayaa waxaa si qoto dheer loogu falan-qeeyay  horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkey,oo ah  xoojinta iyo dardar gelinta howlaha wadaaga ah ee  ka shaqeynaya danaha labada shacab ee walaalaha ah ,  waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga oo ah saaxiibka runta ah ee Soomaaliya ay ka fulisay wadanka howlo gargaar bani’aadanimo, mashaariic horumarin oo la xiriira dib u dhiska waddooyinka ,caafimaadka,waxbarashada iyo taageero joogto ah oo dhinacyo badan leh oo ay u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya .

Kulankani oo si heer sare ah u dhacay ayaa ku soo idlaaday jawi farxad iyo reynreyn leh .


Add New Comment