Ergeyga Gaarka ah ee Q. M. u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay horumarka laga gaaray hawlgallada


NK_B.jpgErgeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay guusha mileteri ee ay soo hoyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee koonfurta-baratamaha Soomaaliya.

“Waxaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ugu hambalyaynayaa gacan ku haynta magaalooyin muhim ah iyo goobo kale ee ay dib uga soo ceshadeen Al-Shabaab. Waxaan ciidamada Soomaaliyeed iyo jaalkooda ee walaalaha Afrikaanka ah ku ammaanayaa sida ay uga go’antahay iyo sida naftooda ay ugu hureen,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay. “Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada ay hawlgallada midaysan iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2124 iyo siyaasadda taxadirka xuquuqda aadanaha ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxaa muhim ah in sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada iyo xuquuqda aadanaha si buuxda loo dhowro.”

“Dagaalku wuxuu saameeyay dadweynaha rayidka ah. Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuba waxay billaabeen inay wax ka qabtaan baahida gargaarka baniaadanimo haddii ay suurtogal tahay in la gaaro, baahidana la qiimeeyo”, ayuu raaciyay.

“Soomaalida ku nool goobaha ay hadda Dowladdu la taliso waa inay si degdeg ah u helaan waxay u baahanyihiin: sida nabadgelyo iyo caddaalad, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo nolol wanaagsan”, ayuu sheegay Ergeyga Gaarka ah Kay.

Wuxuu soo dhoweeyay qaybta ay bulshada caalamku ka geysato dadaalka Dowladdu ugu jirto si ay u xaqiijiso in ay Soomaalidu ka fa’iideysato nabadda iyo xasilloonida, wuxuuna ku baaqay taageero caalami ah oo intaa ka badan.

“Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaalladan xasillinta, taasoo ay ka mid tahay in si degdeg ah ay ugu deeqdo 3 million oo doolar oo ka timaada Sanduuqa Nabad-Dhisidda Qaramada Midoobay,” ayuu yiri.

“Tani waa marxalad taariikhi ah ee halganka Soomaaliya ay ugu jirto sidii ay nabad ugu keeni lahayd dhammaan dadka Soomaaliyeed. Saaxibada Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si degdeg ah oo deeqsi ah ugu gurmadaan.


Add New Comment