Dowladda Burundi oo ka walaacsan weerarro ay Bujumbara ka geysato Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin


   



 Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay baqdin ka qabto weerar qaraxyo ah oo ay Xarrakatul Shabaab ka geysato magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay horay u ballanqaaday inay weerarro aargudasho ah ku qaadayso dalalka Uganad iyo Burundi oo Soomaaliya ay ka joogaan ciidammo.

Xarrakatul Shabaab ayaa dhawaan ku hanjabtay inay ficil u badalayso hanjabaadyadeeda. Waxayna sidoo kale fariin u diray dalka Kenya oo ay ku eedeeysay inay la safan tahay DKMG ah ayna faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Inta badan shacabka dalka Burundi ayaa rumeysan in dowladooda ay tahay mid itaal daran oo aan awoodi karin inay ka hortagto qaraxyo ay Xarrakatul Shabaab ka fuliso dalkooda. Balse dowladda ayaa sheegtay inay aad uga taxadarayso in qaraxyo laga fuliyo magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Bujumbura.

"Xarrakatul Shabaab waxay ciidamadeenna ku jiiday wadoooyinka Muqdisho, taasna waa fariin ku saabsan inaysan naxariis u ahayn Burundi," ayuu yiri mid ka mid ah shacabka dalka Burundi oo saxaafadda dalakas kula hadlay Bujumbura.

Sanadkii hore ayay Xarrakatul Shabaab qaraxyo sababay dhimashada in ka badan 75-qof waxay ka fulisay caasimada dalka Uganda ee Kampala, iyadoo sheegtay inay ugu aargudaysay dadka ay ciidamada dalkaas maalin walba ku laynayaan Muqdisho.

Burundi ayaa wxaaa kaga sugan Soomaaliya 4,400-askri oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika, kuwaasoo DKMG ah gacan ka siinaya sidii ay isaga difaaci lahayd weerarrada kaga imaanaya Xarrakatul Shabaab.

Digniintan oo kale ayaa waxaa iyana shalay soo saartay dowlada Uganda oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, iyadoo saraakiisha booliiska dalkaas ay shaaciyeen inay heleen fariimmo hanjabaadyo ah oo ku saabsan in Xarrakatul Shabaab ay qorsheynayso qaraxyo ay ka geysato dalkooda.

Add New Comment