Madaxweyne Xasan "Ugandha Waa Walaalo Dhiiggooda noo Huray"


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Uganda,  wafdigan oo ay wehlinayeen saraakiisha AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada Uganda booqashadooda Muqdisho isagoo yiri: "Uganda waa waddan aan aaminsannahay inay yihiin walaalo dhiiggooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa dalkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, taasoo muujinaysa in walaalo dhab ah ay yihiin. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyay hoggaamin dhab ah, isla markaana ka dhabeeyay in mashaakillada wallalaha Afrikaanka ay xalin karaan."

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa warbxin kooban siiyay wafdiga soo booqday isagoo ku yiri warbixintiisa: "Waxaa naga go'an inaan dadaalkii walaalaha AMISOM gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya kusoo dabaalno amni iyo kala dambeyn. Waxaan hiigsanaynaa in marka la gaaro sannadka 2016-da ay dalka ka dhacdo doorashooyin xor ah; isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku lahayn soo ceshano.”

Isagoo sii hadlaya madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in Soomaaliya ay ahaan jirtay dal qani ah, isla markaana soo taageeray dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Uganda oo ay hadda ciidamadeedu joogaan Soomaaliya iyagoo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM.

Wafidga xildhibaannada ah ee dalka Uganda ka socda ayaa iyagana madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay kulanka ay la yeesheen, isla markaana u dhiibay fariin ay uga sideen golaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Uganda.

Dhanka kale, guddiga xildhibaannadan waxay sheegeen inay Muqdisho ku arkeen horumar aad u ballaaran iyo sida ciidamada Uganda ay rajo weyn uga qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.

Ugu dambeyn, wafdigan waxay kulanka ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya ka sheegeen in Soomaaliya iyo Uganda ay yihiin walaalo, horumarka ballaaran oo ay arkeenna ay warbixin ka siin doonaan baarlamaanka iyo dowladda Uganda.


Add New Comment