Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada iyo wafdi uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku Gaaray Imaaraadka Carabta


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta U.A.E.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey.

booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

S_pm_uae.jpg


Add New Comment