Dagaalo aad u culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia iyo xoogagga ka horjeeda oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir


Dagaalkan ayaa bilowday duhurnimadii manta ka dib markii xoogaga hubeysan ay weerar ku soo qaadeen fariisimida ciidamada dowlada ay ku leeyiihin xaafada Taleex iyo agagaarka fagaaraha Tarabuunka.

Muddo yar kadib  waxa madaafiic laguu duqeeyo Suuqa Bakaaraha oo afar ruux la soo sheegay inay  ku dhinteen qaar kalana oo 18 ruux gaaraya inay ku dhaawacmeen, waxaana madfac kusoo dhacay xarunta shirkada xawaalada Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha halkaasi waxa ku dhaawacmay 8 ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi, halka madfac kale oo ku dhacay agagaarka xerta Shiikh Aadan dheere ee degmada Wardhiigley taasoo ay dad rayid ah ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Caawa fiidnimadii ayaa ciidamada dowlada dib uga soo noqdeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee ay galabta dagaal uga qabsadeen xogagga kasoo hotrjeeda, ayaa kusoo noqday  KM4  halkaasi oo ay degan yihin ciidamada AMISOM.

Xaalada ayaa hadda u muuqata mid degan inkastoo la maqlayo rasaasa goos goos ah oo mararka qaarkood ka dhaceysa goobaha la isku fara saaray iyo madaafiic .

Add New Comment