Madaxweyne Xasan “Beesha Caalamka waxey diyaar u yihiin inay goobaha Al-Shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa kula kulmay beesha caalamka ayaa sheegey inay lama huraan tahay in shacabka deegaanada Al-Shabaab laga xorreeyey in si deg-deg ah loogu gurmado.

Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka Bisha Cas ee Turkiga iyo Imaaraadka oo gargaar gaarsiiyey dadka, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in shacabka si dhab ah loo gaaro oo ay helaan kaalmadii ay u baahnaayeen.

“Waa inaan tusnaa shacabka inaan la hilmaamin oo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin inay goobaha Al-Shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan. Shacabku waa inay rajo gashaa oo ay arkaan gar-gaar gaaray iyo mid u soo socda.”

Madaxweynaha oo warbixin siinayey beesha caalamka oo ku aadan dadaalka Dowladda ayaa yiri “Wasiiro baa booqday goobaha qaarkood, islamarkaana gaarsiiyey mucaawano, waxeyna soo qiimeynayeen xaalada goobahaas iyagoo la tashiyo la sameynayey shacabka deegaanada la booqday. Wasiiradana waxey si joogta ah u aadayaan goobahaas oo ay shacabka la soo joogayaan, si loo hubiyo in shacabka ay helaan kaalmada ay u baahanyihiin iyo inay ka saacidaan dadka deegaanka inay sameystaan maamulo u adeega shacabka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay ayaa sheegey in Qaramada Midoobey ay ballanqaadeyso inay 3 million oo dollar ay soo gaarsiin doonto Wasaarada Arrimaha Gudhaha si ay ugu fuliso mashaariicda xasilinta dalka.

“Waxaan hambalyo u direynaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyey howlgaladii Al-Shabaab looga xorreynayey dalka. Holgalladan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo intii AMISOM ay ka howlgaleysey Soomaaliya, waxeyna fursad u tahay Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiga Soomaaliya Danjire Maxamed Salax Annadif oo ka warbixinayey howlgalada AMISOM ayaa sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii iyo goobihii muhiimka ahaa, hase yeeshee ay AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliyeed ay dib u dayactiri doonaan ceelasha iyo goobahaas muhiimka u ah shacabka.

Madaxweynaha oo ka warbixinayey xasilinta Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii amniga ee caasimada uu meel fiican marayo oo la sameeyey xarun laga hago dhammaan arrimaha amniga oo howlgalada iyo xasilinta caasimada laga wado oo ay isagu jiraan ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan kuwooda Booliska.

Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Safiirada UN, AU, AU, EU, UK, Swedish and Norway.

kulan_madaxtooyo.jpg


Add New Comment