Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay degaanno ka tirsan gobolka Sh/Hoose


Roobabkii guga oo waqtigoodii ka soo hormaray ayaa waxa ay ka curteen degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Tooratoorow oo ay ka jirtay biyo la'aan ba'an iyo degaannada ku xeeran ee isla gobolkaasi.

Roobabkan mahiigaanka ah ayaa sida lagu soo warramayo biyo fara badan dhigay balliyada iyo dhulka guud ahaan, kuwaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada degaannadaasi, lamana soo sheegin wax qasaare ah oo ay u geeysteen dadkii degaanka ee la ildarnaa abaaraha iyo biyo la'aanta.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka mid ah gobollada dalka ee ugu badan wax soo saarka dhinaca beeraha ayaan helin roobab ku filan 3-dii sano ee ugu dambeysay, ayadoo sidoo kalena ay degaanno isla gobolkaasi ka mid ahna uusanba ka di'in wax roob ah sanadihii ugu dambeeyey.

Roobabkaa ka da'ay gobollo kala duwan oo dalka ah waxaa mahaddooda iska leh Allaah, meelaha uusan roobku weli ka di'inna waxaan Allaah ug baryeynaa inuu raxmaddiisa ku shubo, dadka iyo duunyadana ay ku raaxeeystaan, AAMIIN. 



Add New Comment