Ururka Islaamka oo soo dhoweeyey heshiiskii Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna dhexmaray


Ururka waddamada Islaamka (OIC) ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay dhowaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku kala saxiixdeen Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ururka ay leeyihiin Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee dalka Soomaaliya.

Qoraal saxaafadda loo qaybiyey oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Prof. Akmaludiin Ixsaan Oglu ayaa lagu sheegay in heshiiska dhexmaray labada dhinac uu ahaa tallaabo horey loo qaaday, taasoo keeni karta in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto, Ururka Islaamkuna uu taageerayo.

War saxaafadeedka Ururka Islaamka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in ay suurtagal tahay in uu miro dhali karo hanaankii dib-u-heshiineed ee muddo hadda sanad laga joogo lagu soo aasaasay dalka Jabuuti, kaasoo mirihii kasoo baxay ay ka mid ahayd Dowladda KMG ah ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya.

Taageerada Ururka Islaamka ee heshiiskii Dowladda KMG iyo Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa noqonaya kii afaraad kaddib markii ay horey u taageereen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrikaba, iyo ayadoo sidoo kalena ay soo dhoweeyeen dadyoow fara badan oo Soomaaliyeed.

Add New Comment