Golaha ammaan ee Qaraamada midoobay ayaa caawa ku codeeyeen in hawada Liibiya laga sammeeyo meel ka caagan duulimaadka

Golaha ammaan ee Qaraamada midoobay ayaa caawa ku codeeyeen in hawada Liibiya laga sammeeyo meel ka caagan duulimaadka  Dayuuradaha si looga celiyo Korneel Qadaafi Dayaardaha uu  ku duqeynayo Shacabka reer Liibiya ee iska diiday xukunkiisa.

 vote UN for  libiya.jpg
 
Golaha ammaan waxa uu  ka kooban yahay 15 dowladood , go'aanka dowladda Liibiya looga joojiyey inay diyarad dul duusho waxaa waxaa codka ogolaashahasiiyeen toban dowladdooda oo kala ah :

US, UK, France, Bosnia and Herzegovina, Gabon, Lebanon, Nigeria, Colombia, South Africa iyo Portugal

Sidoo kale waxaa ka aamusay shan dowladood oo kala ah :

China, Russia, Brazil, Germany and India

Dowlad  go'aanka  diiday ma jirto
 
   Gu'aankani  waxa uu suuragelinayaa  haddii  ciidamada Korneel Qadafi  ay kusoo duulaan shacabka diidan xukunkiisa   in si kasta looga sammatabixiyo oo xitaa waxa uu saamaxayaa in la duqeeyo ciidanka Qadaafi  iyo xarrumaha uu kasoo duulan tagayo, garroomada diyaaradaha iyo meel kasta oo  qatar gelinaysa shacabka ku gadooday korneel Qadaafi.
 
Jawaabta Korneel Qadaafi  sooma daahin waxa uu  ku tilmaamay inuusan warqadda lagu qoray ay ka qiimo badan tahay , waxuu sii raaciyey  go'aankaasi inuu horseedayo in Liibaya ay qaybsanto.

Si kasta oo ay ahaataba waxaa laga warsugayaa saacadaha soo socda , go'aanka  golaha ammaanka ee UN  waxa uu kusoo kordhiyo dagaalka ka socda Liibiya.



Add New Comment