Naago iyo Niman watay Indha shareer oo dhac u gaystay Xawaalada Iftin ee Magalada Nairobi



Dabley ku hubeesnaa qoryo fudud iyo bastoolado oo rag iyo dumar isu jiray kuwasoo wajiga kusoo daboshay  indho shareer ayaa dhac weyn u geestay xawaalada Iftin Express ee magaalada Nairobi

Dableyda aadka u  hubeesnayd waxay si sahal ah oo aan la dareemin u galeen albaabka xawaalada kadib gudaha goobtaasi Xawaaladda markay tageen waxay lasoo baxeen hubkoodii , kadibna waxay si simman u

 baarteen shaqaalaha , Qasnadda Xawaaladda  iyo macaamiishii gudaha xawalada ku  jirtay oo laga xawilaayay ama qaadanaayay, waxayna ka qaateen wixi ay heleen farqahood oo qalab iyo lacagba leh. Tuugtaasi waxaa la sheegay inay  lacagta ay kala baxsadeen goobtaasi ay kor u dhaaftay konton kun(50,000) US Doolar.
 
 Tuugada soo gashay goobtaai shacabka wax dhaawac ama dhimaso uma ayan gaysan inkastoo rasaas xoogan ay kor u fureen markii ay kasoo baxeen Xawaalada taaso tuugada kenyatiga mar waliba ay sameyeen si ay waddada ugu furtaan .
 
Markii xabbadaha la maqlay  markiiba waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka ee xaafada Islii waxayna baritaano iyo warbixin ka qaateen dadweynihii lagu dhex furtay Xawaaladda dhexdeeda .
 
Magaalada Nairobi oo dilka iyo boobku uu joogto noqoday waayadaan ayaa waxaa usbuucii lasoo dhaafay  dhac loo geystay goob ganacsi oo aad u weyn oo ku tiilay xaafada islii,  dhacaasi waxaa gaystay koox tuuga kenyati uu badan waxayna ka dhaceen goobtaasi lacag garaysay ilaa afar kun(40,000) US Doolar.

 

Add New Comment