Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)



 Waxaa maanta shirkiisii caadiga ahaa isugu yimid golaha wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxaana shirkaasi guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar.


Kolkii uu furmay shirka kaddib wuxuu guddoomiyuhu ka codsaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay golaha warbixin ka siiyaan xaalada Amniga heerka ay mareyso oo ay si wanaagsan golaha ugu caddeeyeen qorshayaasha socda ee Amniga iyo Difaaca.

 

Warbixintaasi kaddib golaha Wasiiradu wuxuu shir guddoomiyaha oo ah wasiirka arrimaha Dibadda golaha u soo jeediyay saddex murashax oo midkood loo magacaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda isaga oo golaha u faahfaahiyay Taariikh nololeedkooda, heerka Waxbarashadooda iyo khibradooda.

 

Intaa kaddib wuxuu guddoomiyaha shirka Mudane Oomaar soo jeediyay in loo codeeyo Mudane Dr. Cismaan Maxamed Aadan in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda arintaas oo goluhu isku raacay magacaabidda mas’uulkaas.

 

Golaha Wasiiradda wuxuu kaloo dood dheer ka yeeshay arimaha Dastuurka oo ay Wasaaradda Arimaha Dastuurka Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta qorsha ay u soo jeedisay oo ay saddexda bilood ee socda ay ku howlgaleyso.



Xafiiska afhayeenka xukuumada

Cabdi Xaaji Gobdon

[email protected]

Add New Comment