Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in baaritaan iyo dabagalo lagu sammeeyo warbixintii Guddiga dabagalka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya.


Guddiga warbixintan gudbiyay ayaa eedeymo kala duwan u jeediyay Wasiirro iyo safiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen  inay lacag adag kaga iibsadaan fiisooyinta Dowladda KMG ah la siiyo  shaqsiyaad ay ku jiraan Burcadbadeed, Danyar dibadda loo jiro iyo Xoogaga Islaamiyiiinta .

Warbixintaani waxaa soo gudbiyay Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Mexico ninka lagu magacaabo Claude Heller waxayna ka hadlaysay Musuq Maasuq la sheegay in lagu sameeyay arimo ay ka mid yihiin  gar gaarka Soomaaliya la siiyo,iyo fiisooyin wasiirro dowladda ka tirsan ay si qalad ah kaga taajireen iyagoo siisteen halkii fiiso kumanaan US Doolar .

Kooxda la socodka Arrimaha Soomaaliya ee QM ayaa horay u diiwaan geliyay musuq maasuq kii ugu ballaarnaa oo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda KMG ay aad ugu lug leeyihiin.

Warbixinta uu guddigan gudbiyay ayaa waxaa ka yimid hadallo badan iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirkiisa Kaluumaysiga prof.Ibbi ay warbixintaasi ku tilmaameen mid been ah oo xaqiiqada ka fog taasoo laga soo ururiyay goobaha fadhi-ku-dirirka .


Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay qoraalkan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid aad ay ula yaabeen, waxaana uu Xildhibaan Mareykan ah ku baaqay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo.

Si kastaba ah ahaatee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan mar uu soo hadal qaaday arimaha Musuq Maasuqa ee gudiga qaramada Midoobay ay sheegeen in ay ka jiraan dalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay arimahaasi qaarkood ay wax ka jiraan halka qaar kalana uu shaki galiyay Jiritaanka, isagoo ugu dambeyntiina sheegay in ay gudi u saari doonaan arimahaasi kuwaasi oo uu tilmaamay in ay si waanagsan u soo aqrin doonaan Warbixintii qaramada Midoobay ee ku aadan arimaha gar gaarka Soomaaliya.

 




__

Add New Comment