Danjire Nuur Cadde oo Boqorka waddanka Belgium maanta guddoonsiiyey waraaqihii aqoonsiga danjirenimo


Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Talyaaniga iyo Midowga Yururb mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta magaalada Brussels ee waddanka Belgium warqadihii aqoonsiga safiirnimo ku guddoonsiiyey boqorka dalkaasi.

belgium2.jpgMunaasabadda danjire Nuur Cadde loogaga guddoomayey waraaqaha aqoonsiga safiirnimada Midowga Yurub ayaa waxa ay ka dhacday  qasarka uu boqorka dalkaasi ka deggan yahay Brussels ee Qasarka Royal Laekan, halkaasoo uu boqor Albert II uu si rasmi ah u aqoonsaday danjirenimada mudane Nuur Cadde ee uu danjiraha uga noqonayo dalkiisa Midowga yurub (EU).

Soo dhoweyn aad u heer sareysay kaddib ayey King Albert II iyo Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa ay labada mas'uul ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Belgium, xaaladda adag ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda belgiumka ay gacan uga geysan lahayd xal u helidda dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, intaas kaddib ayuu mudane Nuur Cadde u gudbiyey boqorka salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayadoo boqorkuna uu danjiraha ka codsaday inuu salaan middaasi la mid ah ka gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda uu hoggaamiyaha ka yaha Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid si weyn ugu guuleysatay siyaasadaha arrimaha dibedda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay caalamka, hase ahaatee ay dhibaato aad u weyni ka heysataa sidii loo xasilin lahaa gudaha waddanka Soomaaliya, kaddib markii uu dalku kusoo jiray fowdo iyo xasillooni darro soo jiitameysay muddo ku dhow 20 sano.


Add New Comment