Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii dhaxmaray Dowladda iyo Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.


 Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shir Jara'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin hishiiskii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Dowladda Soomaaliya iyo Culimada Ahlu Sunna Waljameec, iyo warbixin ay soo saareen Guddi QM u qaabilsan tabagalka oo lagu cabaareeyay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamay hishiiskii dhaxmaray Dowladda iyo Ahlu Sunna Waljameeca mid taariikh ah, islamarkaana muujinaya bilowgga qorshe Dowladdu ugu tala gashay in ay soo dhaweyso dhamaan dhinacayada ka maqan Dowladda, waxaana uu amaan u soo jeediyay dhamaan Dowladihii ka shaqeeyay hergalinta hishiiska labada dhinac, gaar ahaan Dowladda Itoobiya oo dalkeeda lagu saxiixay hishiska.
 
Dhinaca kale Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixin ka soo baxday Guddi QM u qaabilsan taba galka, kuwaa oo eedeyn kulul u jeediyay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
 
Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Warbixintu dhamaateed qaldeneyn laakiin ay ku jiraan erayo laga bad badiyay, waxaana uu intaa raaciyay in warbixintu aheyn mid gacan siineysa Dowladda Soomaaliya isaga oo difaacay Mas'uuliyiinta Dowladda ee lagu sheegay in ay ku kaceen musuq maasuq.
 
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in wixii khasaare ah ee dhacay dusha u ridanayaan kooxaha Dowladda ka soo horjeeda oo ah ayuu yiri kuwo aan marnaba nabada ogoleyn.
 
Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa maalin uun ka hor ka soo laabtay safar uu ku tagay  Magaalada Londan ee dalka Ingariiska halkaa oo uu kulamo kula qaatay Mas'uuliyiin uu ka mid yahay R/iisal Wasaaraha dalka Ingariiska, iyo Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingariiska oo uu meel fagarro ah kala hadlay.
 

Add New Comment