Ku-simaha Madaxweynaha oo sheegay in Marxuum Tubeec berri lagu aasi doono Muqdisho


Ku-simaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa marka hore guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxriistee Fanaaninkii Soomaaliyeed Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday cisbitaal ku yaala wadanka Jarmalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan uu kaalin weyn kasoo qaatay gobanimada dalka, wuxuuna xusay in maalinta berri ah Meydiisa la keeni doono magaalada Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan iyo bahda fanka Soomaaliyeed.

Fanaanka Qaran ee Allaha u naxriistee Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa waxaa uu dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka, halkaasi oo uu muddo ku xanuunsanaa.


Add New Comment