Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Saraakiil Ka Socotay Dalka Talyaaniga


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta gobolka ku qaabilay wafdi ka socday dowladda hoose ee dalka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta ka socotay dowlada hoose ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in xiriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo dowladda hoose ee dalka talyaaniga iyo dowladda hoose ee magaalada muqdisho.

Wafdiga ayaa ku amaanay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubnaha la shaqeeyo howsha ay bilaabeen, iyagoo si gaar ah ugu amaanay muhiimada ay siinayaan amniga caasimada.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Muungaab ayaa dhankiisa soo dhaweeyay xubnahan, isagoo sheegay inay soo dhaweeynayaan wixii wax qabab ah oo ay ka geeysanayaan gobolka Banaadir.

italian officers.jpg


Add New Comment