Magaalada Addis Ababa ayaa maanta waxaa hishiis ku wada saxiixday Dowladda Sh.Shariif iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca


 Dowladda Soomaaliya iyo Culimada Ahlu Sunna Waljameeca Mas'uuliyiin ka kala tirsan ayaa  maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya taasoo maanta ay  si rasmi ah ugu suurtagashay inay ku kala saxiixdaan hishiis ku saleysan iskaashi iyo wada shaqeyn labada dhinac.

 
R/iisal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmarke oo uu Wehliyo ku-xigeenkiisa ahna Wasiirka Wasaarada Maaliyada Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa dhinaca dhinaca Dowladda u saxiixay hishiiska halka dhinaca Ahlu Sunna uu hishiiskaasi u saxiixay Guddoomiyahooda guud Macalin Max'uud Shiikh Xassan.
 
Munaasabada hishiiska oo ay goob jooga ka ahaayeen Wakiillo ka kala socda Beesha Caalamka, Midowgga Africa iyo Urur Gobaleedka IGAD ayaa markii ay soo dhamaatay waxaa ka hadlay Wasiirrka Arrimaha dibada Dowladda Itoobiya ee martida loo ahaa, waxaana uu sheegay in hishiiskaasi yahay mid taariikhi ah loona baahan yahay in dhinacyadu hergaliyaan, isaga oo dhinaca kale caalamka ka codsaday taageerida hishiiska ay gaareen Dowladda iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Heshiiska labadan dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli dowlada KMG ah iyo AMISOM ay diyaarinayaan dagaal ka dhan ah kooxaha mucaraadka taasoo ay ku sheegeen in ay ku xureynayaan dalka..

Heshiiskani  waxa uu caqabad xun ku noqonayaa kooxda Alshabaab Al Mujaahidiin  maadaama Ahlu Sunna ay yihiin kooxda leh ciidamo tiro badan oo aad u hubaysan , sidoo kale waxa xusid mudan Ahlu sunna waa kooxda keliya  ee Alshabaab  Gobolada dhexe qeybo kamid ugu awood sheegatay.
 

Add New Comment