Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo Dalka dib ugu soo laabtay


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo noqday dalka kadib markii uu shalay uga qaybgalay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia shirweynaha 25-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD  iyadoo garoonka uu kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkii IGAD iyo go’aanadii kasoo baxay ee lagu taageerayay Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen taageerada dawladda Soomaaliya iyadoo la bogaadiyay  horumaradda laga gaaray howlgaladda lagula dagaalamayo Nabad-diidka Al shabaab.

Waxaa si kulul loogu cambaareeyay shirkaasi dilka ay kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah; waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda:

Waxaa laga codsaday Urur Goboleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya  iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Kulanka waxaa la iskula gartay in IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al Shabaab.

“Waan sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Nabad-diidka, magaalooyinka Soomaaliya oo dhan waan ka siffayn doonnaa. Alshabaab waxaa ay dhobaato ku hayeen dadka iyo dalka oo xataa waxaa ay burburiyeen ceelal iyo goobaha loogu adeego bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


Add New Comment