Taliska ciidanka xoogga dalka oo shacabka ugu hambalyeeyay guulaha ay soo hooyeen ciidanka


Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed  ugu hambalyey, guulaha isdaba joogga ah ee ay ciidamada oo taageero ka helaya hawlkagalka AMISOM ay ka ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Daahir Aadan Cilmi (indha-qarsho) iyo Abaanduulaha ciidanka Xoogga Sareeyo Guuto Cabdirasaaq Khaliif oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xerada ciidanka xoogga ee Villa-Baydhabo ayaa ka hadlay howlgallada looga xoreynayo gobollada dalka Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka, ciidanka AMISOM iyo shacabka waxaan ugu hambalyaynayaa goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab, sida Rabdhuure, Waajid, Xudur, Buurdhuubo, Buq-Aqable, Buulo-Barde iyo kuwa kale ciidamaduna waxa ay sii wadayaan howlgallada dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegaannada ay Shabaabku dadka ku dhibaateynayaan, halkaasi waxaan ku wareejinaynaa Wasaaradda arrimaha gudaha si loo geeyo ciidamo boolis iyo nabad sugid” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi ayaa u hambalyeeyay ciidanka qalabka sida guulaha ay ka soo hoyeen howlagaladii u dambeeyay oo Al-Shabaab looga xoreeyay deegaanno ka mid ah gobollada ay howlgalladu ka socdaan, isagoo ku booriyay in ay sii labo jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Abaanduulaha ciidanka xooga Jenaraal Cabdirrasaq Khaliif ayaa sheegay in howlgalada hadda ka socoda meelaha ay ku dhuumaalaysanaayeen Al-Shabaab uu ahaa mid horey loo qorsheeyay, isagoo intaa ku daray in howlgalladaasi lasii wado doono ilaa inta maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay la wareegeen deegaanka Buq-Aqable iyo Degmada Buulo-Barde oo ka mid ah gobolka Hiiraan, halkaasi oo ka mid ahayd goobihii ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.


Add New Comment