Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo muddo 13-sano kaddib laga qaaday xayiraaddii Qaramada Midoobay


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 11-kii bishan ka qaaday xayiraadii saarneyd Gudoomiyihii Shirkadii la oran jiray Al-Barakaat Axmed Nuur Jimcaale oo ka mid ahaa Ganacsatada ugu waa weyn Soomaaliya.

Axmed Nuur Jimcaale ayaa muddo 13-sano saarneyd xayiraad dhinaca socdaalka iyo hantida, kadib markii uu dhacay weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001 weerarkii daaraha mataanaha ahaa ee Mareykanka waxaa lagu soo rogay xayiraad, markii lagu eedeeyay inuu taageero dhaqaale siin jiray Ururka Al-qaacida.

Mr Jimcaale ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in laga qaado xayiraadaas, isagoo u mahad celiyay dhinacyadii ka qeyb qaatay dadaalka looga saarayay liiska waxa loogu yeeray Argagixisada.

"Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan dib u helo xoriyadeydii dhinaca socdaalka iyo maaliyada, waxaa aad ugu mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay, sidoo kale dadkii hantida ugu xanibnaa ee sabarka muujiyay markii shirkada Al-Barakaat la xanibay"ayuu yiri Axmed Nuur Jimcaale

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale ayaa xayiraada saarneyd aheyd mid saameyn ku yeelatay noloshiisa, iyadoo loo ogola kaliya dalal kooban inuu safaro caafimaad ku tago, waxaana horay laga saaray liiska Argagixisada ee Mareykanka iyo qaramada Midoobey.

Shirkadii Al-Barakaat oo aheyd shirkadii ugu weyn Soomaaliya ee xawaaladaha iyo isgaarsiinta ayaa la xanibay markii uu dhacay weerarkii 11-sep. 2001 kadib markii lagu eedeeyay in shirkadan ay taageero dhaqaale siiso Ururka Al-qaacida.

Add New Comment