Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo dhoolatus ciidan ku sameeyay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay


Boqolaal ciidamo ah oo taabacsan Ururka Xisbul Islaam oo dhawaan tababar loo soo gabagabeeyay  ayaa maanta kusoo bandhigay dhoollatus ciidan degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay  iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin in la howlgeliyo si ay kaga qayb qaataan dagaalka ka socda magaalada Muqdishu.

Saraakiil ka tirsan ururkan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamadan ay ugu talogaleen inay ka qaybqaataan dagaallada looga horjeedo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee Burundi iyo Uganda u dhashay kuwaasoo ku sugan magaalada  Muqdisho .

Sarkaalku waxa uu caddeeyay in aanu ogolaan kareyn in Shacabka Soomaaliyeed in lagu xasuuqo hub waaweyn oo ay soo tuuraan ciidamada shisheeye ee AMISOM , waxuuna yiri waxa naga go'an inaan dagaal kala hortagno ciidamadaasi iyo kuwa kale ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya taageersan kuwaasoo ka garab diriraaya ciidamada shisheeye ee AMISOM.

Ugu dambeystii Sarkaalkaasi waxa uu ku dhaartay inay wadi doonaan dagaalka inta laga guulaysanaayo ciidamada cadowga iyo kuwa Dowladda  oo laga saaraayno KM-4 iyo goobaha kale oo fara ku tiris ah oo ay ka joogaan magaalada Muqdishu.





Add New Comment