Kulankan ay soo qabanqaabisay xarunta caalamiga ah ee dib u cusboonaysiinta ayaa ka furmay Dubai kasoo ay kasoo qaybgaleen culumo ka kala socota caalamka iyo Soomaaliya .




Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan  ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir cinwaan looga dhigay Soomaaliya iyo Xigmadda Shareecada islamarka iyo hanuuninta



Shirguddoonka shirkan oo ah Sheekh u dhashay dalka Maroko oo lagu magacaabo Sheekh C/llaahi Beeh ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in shirkan looga hadli doono xasaradaha ka jira dalalka Islaamka, iyadoo lagu xallin doono khilaafyada diinta Islaamka.

Kulankan oo ka furmay Dubai ayaa waxaa ka qaybgalaya culumo ka kala socota caalamka iyo Soomaaliya, kuwaasoo ka doodi doona dagaallada ka socda Soomaaliya, kuwaasoo u bandhigi doona diinta Islaamka dagaallada socda ee diinta ku saleysan.


Xubnaha ka qaybgalaya shirkan ayaa waxaa ka mid ah: Wakiilka Xoghayaha guud ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan C/raxmaan Suwarul-Dahab, ku xigeenka Ururka Muslimiinta Caalamka Sheekh C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Tasiif oo ah ku xigeenka Madaxa Golaha Shuurada dalka Sucuudiga.


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan  ku sugan magaalada Dubai waxa uu sheegay in urur weynaha al qacida ee uu hogaamiyayo Sheekh Usama Bin Ladin uu si weyn u maaligiliyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iminka dagaalka kula jirta dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda Dowladda KMG ah ayaan la sheegin xubno shirkaas uga qaybgalaya iyadoo lagu wado in culummada shirkaas isugu imaanaya ay kasoo saari doonaan bayaan.

Add New Comment