Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo qabsaday Buulo-Burte


Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Khamiis ah si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. 

Abaanduulaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inay ciidankooda la wareegeen degmada. 

Magaalada Buuloburte waxay ka mid ahayd magaalooyinka fara-ku-tiriska ah ee ay ku xoogganayd kooxda Al-Shabaab. 

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan goobaha ay uga sugan tahay gobolka Hiiraan. 

Ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa saaka si nabadgelyo ah kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Buq-aqable oo 90 km u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Add New Comment