Madaweynaha Soomaaliya oo Maanta la Kulmay Boqorka Dalka Japan


Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay  boqorka dalka Japan  Emperor Akihito.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya  inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda  ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda  Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

visit2japan2.jpg


Add New Comment