Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb-galay shirka IGAD


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/Weli Sheekh Axmed Maxamed oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa ka qeyb-galay shirka 25-aad ee Urur gobolleedka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Shirka 25-aad ee aan caadiga aheyn ee madaxda IGAD maanta ay ku yeesheen, magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha dalka Jabuuti, madaxweynaha waddanka Kenya, madaxweynaha dalka South Sudan, Madaxweynaha Sudan, Xog-hayaha Ururka IGAD,  dalal kale iyo madax ka kala socotay Midowga Africa, Midowga Yurub, Mareykanka iyo wadamada daneeya arrimaha Africa.

Shirka ayaa looga hadlay laba arrimood oo kala ah, xasiloonida dalka Soomaaliya, howl-gallada hadda ka bilowday gobollada dalka iyo xaaladda waddanka Suudaanta Koonfureed oo ay isku hayaan mucaaadka iyo dowladda.

Furitaanka shirka ayaa lagu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana looga mahadceliyey sida Xukuumaddiisa ay uga go’an tahay in la nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo sida wada Shqeynta dhow ay ula sameeneyso wamada IGAD.

Shirka, waxaa furay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, isagoo sheegay in dalalka IGAD ku middeysan ay doonayaan sidii loo gaari lahaa xasilooni waarta oo ka dhacda Soomaaliya iyo in horumar ballaaran laga gaaro wada xaajoodka lagu dhex dhexaadinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirka hadal ka jeediyey ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhammaan wadamada IGAD ee raaliga ah in Soomaaliya nabad-galyada laga caawiyo, isagoo intaa raaciyey in siyaasadda guud ee Xukuumaddiisuna ay tahay sidii dalalka dariska ah lala sameeyo  iskaashi dhow, isla markaana uu rajeynayo in la sii xoojiyo taageerada waddamada IGAD ee Soomaaliya.

Shalay ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa, shirka 51-aad ee wasiirrada dibedda ee ururka gobolleedka IGAD, kaasi oo u gogol xaarayey shirkii maanta.

Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa ay ka mid aheyd wadamadii sida weyn ugu ololeeyey in heshiis la dhex dhigo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Gabagabada shirka ayaa soo gabagaboobay, waxaana saacad kaddib laga soo saari doono war-murtiyeed ka hadlaya go’aammada madaxda IGAD ee shirkoodii 25-aad ee aan caadiga aheyn.


Add New Comment