Wasiirka Haweenka Oo New York Uga Qeybgashay Shirka Haweenka Caalamka


Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgashay shirka 58aad ee Haweenka Aduunka ee ay qabato QM.

Wasiiradda ayaa waxaa ku wehliya ka qeybgalka shirkan Xildhibaanad Saaqo Aadan Gaas oo ka tirsan Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Cumar waxaana shirkan 58aad ee Haweenka Aduunka looga hadlay xuquuqda Haweenka iyo gudniinka Fircooniga ah.

Khudbad ay shirka ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay ugu horeyn uga hadashay xaaladda ay ku suganyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa iyo qorshayaasha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay hormarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada New York kulammo gaar gaar ah kula qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Ahmet Dovutoglu iyo Wasiirrada Haweenka dalalka Talyaaniga iyo Norway oo ay Wasiiraddu kala hadashay sidii ay wadashaqeyn iyo iskaashi ula sameyn lahaayeen Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyey ee ay ka qeybgasho Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye tan iyo intii loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha,sidoo kalena waa markii ugu horeysay ee ay mudo 20 sano ah kadib shirkan oo ay sanadkiiba hal jeer QM qabato ka qeybgalaan wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya.


Add New Comment