Dalka Iran oo sheegay inay maraakiib dagaal u soo dirayaan badaha Soomaaliya



Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in ay badaha Soomaaliya u soo direyso maraakiib dagaal si ay qayb uga noqdaan howlgallada caalamiga  ah ee lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeeda soomaalida ee dhibaatada ku haysa maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha gobolka.

Warkaan kasoo yeeray xukuumadda Tehraan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay si rasmi ahaan ah ugu sheegaan inay qayb ka noqonayaan dadaalka beesha caalamku ay ugu jirto la dagaalanka burcad-badeedda soomaalida ee sanadahan dambe dhibaatada ka waday gobollada bariga Soomaaliya.

Dalal fara badan oo caalamka ah ayaa ciidamo iyo maraakiib dagaal u soo diray Badda Cas iyo Badweynta Hindiya si ay uga hortagaan howlgallada burcad-badeedda Soomaalida ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee caalamka, haddana wax muuqda oo laga qabtay arrintaasi ma jiraan oo waxaa weliba soo badanaya qafaalashada maraakiibta ganacsi ee badahaasi mara.

Add New Comment