Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Mareykanka ka codsaday inay ciidamada DKMG ah qalabeyso


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Max’ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka codsaday xukuumadda Washington inay ka taageerto xukuumaddiisa dhismaha ciidamada si ay amaanka guud ee dalka dib ugu soo celinayaan.

 

Mudane Farmaajo, wuxuu sheegay in ciidamada DKMg ah ay kaga guuleysteen Xarrakatul Shabaab dagaallo ay kula galeen Muqdisho iyo gobollada koonfureed ee dalka qaarkood, isagoo xusay inay Xarrakadu ay taageero ka hesho ururweyniha Al-Qaacida, wuxuuna dalalka caalamka ka codsaday in dowladdiisa la taageero.

 

“Waxaan jeclaan lahayn in Mareynka uu nagu taageero qalab iyo dhaqaale aan dib ugu habeyno ciidamadeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka CNN isagoo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa ciidamada AMISOM ayaa waxay dagaallo kula jiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

 

“Kaalmada aan ka doonayno Mareykanka iyo caalamka intiisa kale waa mid aan kula dirirayno Xarrakatul Shabaab,” ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in dowladdiisu ay u baahan tahay taageero dhinacyo walba leh.

 

Xukuumadda Washington ayaa sannadkii hore qalab ciidan ku taageertay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, inkastoo goor dambe ay hakad gelisay iyadoo aan la ogeyn sababta. Balse lama oga jawaabta ay ka bixin doonto dowladda Mareykanka codsiga kaga yimid xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale, shir Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay ee New York oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaare Farmaajo ka dalbaday dalalkii kasoo qaybgalay in dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay ammaanka kusoo celin lahayd iyo sidii ay uga taqalusi lahayd burcadbadeedda.



Add New Comment