Faah Faahin dheeraad ah oo ku saabsan 24 Burcad Badeed Somaaliyeed oo Maanta Puntland lagu soo wareejiyay


 Markab laga leeyahay wadanka France oo lagu magacaabo F732 ayaa Maanta Galinki Danbe Maamulka Puntand ku soo wareejiyay 24 Nin oo Burcad badeed Somaaliyeed ah oo laga soo qabtay Xeebaha Somaliya.
 
Burcadda Maamulka lagu soo wareejiyay ayaa Markoodi hore ka soo baxay Xeebta Ceel macaan, Waxaana lasoo qabtay iyaga oo Qorshaynaya in afduubyo ay ka Gaystaan Xeebaha Gacan Cadmeed.


 
Markabka soo wareejiyay Burcad Badeeda ayaa soo istaagay Meel aan wax badan ka Fogayn Xeebta Bosaaso,Waxaana Saarnaa in ka badan 200 oo askari oo ah Ciidamada Dalaayadaha ku booda ee sida gaarka ah u tababaran.
 
Saraakiil ka socotay Puntland iyo Madaxda Markabkaasi ayaa kulan saacado qaatay Wada Galay ,ka hor inta aan Burcad la soo wareejin ,iyadoo ay wada Galeen heshiis ku saabsan la dagaalanka Burcad badeeda.
 
Burcada lagu soo wareejiayy Puntland ayaa la sheegay in ay wateen Afar Doomood oo nooca dheereeya ah,Waxaana labo ka mid ah Doonyahoodi Gubay Ciidanka Saaran Markabkaasi dushiisa.
 
Labo ka mid ah Burcad badeeda la keenay Xeebta Bosaso ayey Ciidamada France sheegeen in aan wax danbi ah lagu soo qaban, balse laga shakiyay oo kaliya.


 
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo Waraysi Gaar ah Siiyay HOL ayaa sheegay in Raggan ay ka soo jeedaan Koonfurta Somaliya,Isla markaana la sii daynayo Labada aan danbiga lahayn ee shakiga lagu soo qabtay.
 
Ugu danbaynta Burcadda la keenay Magaalada Bosaaso ayaa lagu wadaa in dhawaan Maxkamada la soo taago ,Waxaana inta badan Maraakiibta Shisheeye ay Puntland ku soo wareejiyaan Burcad noocaan oo kale ah.


 

Add New Comment