Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay inay ay qabqabteen hub loo waday kooxaha mucaaradka




afhayeen.JPG

Afhayeenka wuxuu sheegay in hubkaas ay qabteen uu jiray jawaanno, wuxuuna ku rarnaa gaari caasi ah oo kusii jeeday Suuqa Bakaaraha, wuxuu sheegay afhayeenku inay hayaan wadihii Caasiga iyo qofkii jawaanahada rasaastu ku jirtay watayba.


Howgalladan hubka lagu soo qabqabtay ayaa waxay ka dhacday degmooyinka Xararjajab iyo Waaberi, sidoo kale waxaan helnay fariimo sheegaya in guri ku yaalla degmada Waaberi lagu diyaariyay hub la doonayo in lagu waxyeelo ammaanka Gobolka Banaadir, Illaahay mahadii waxaa noo suurtagashay inaan hubka soo qabanno, balse ruuxii abaabulkan lahaa wuu naga baxsaday.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya G-dhexe Cabdullaahi Xasan Bariise  wuxuu xaqiijiyay in baaritaannada ay sii wadi doonaan ayna sharciga horkeeni doonaan dadka ay hubka ku qabteen,lana weydiin doono halka ay hubka ka keenee iyo halka ay kusii wadeenba.

Add New Comment