Madaxweynaha“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Japan naga caawiso”


Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jaban ayaa maanta tegay  Dekadda magaalada  Yokohama ee Dalka  japan.

Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo  tegay xarunta ciidamadda  Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha  Dekadda  ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada  iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey saraakiisha ciidamada  ilaalada Xeebaha dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday  Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan  doorano meelaha  aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay  xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan.

Japan787.jpg


Add New Comment