Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Japan


Wasiirka arrimaha dibedda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdaan wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, wasiiradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa maanta xarunta wasaaradda arrimaha dibedda dalkan Japan kulan kula qaatay dhigiis dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo  dhigiisa dalkan Japan Mr Fumio Kishida ayaa ka wada-hadlay xiiriirka labadda dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga weyn ee ka dhaxeeya labada dal.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Dowladda Japan in muddo ah ayey caawineysay Soomaaliya ha ahadeen arrimaha gar-gaarka iyo la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya, iyo  waxaaannu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahaayeen tageeradda iyo qaabka ay uga qeyb-galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna” ayuu yiri  mudane Ducaale.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jiro sii xoojinta kalsoonida ka dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

wafdiga_madaxweynaha.jpg


Add New Comment