Burundi oo sheegtay inay kun askari oo dheeraad ah u soo dirtay magaalada Muqdisho


Dalka Burundi ayaa sheegay inay ciidamo ka socda dalkooda oo tiradoodu gaareyso 1000 askari ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sarkaal lagu magacaabo Col. Jastace Cisa ayaa mar uu u warramayey wakaaladda wararka ee REUTERS sheegay in magaalada Muqdisho ay gaareen 1000 askari oo dheeraad ah, kuwaasoo laga soo daabulay dalka Burundi si ay ay ugu biiraan ciidamada AMISOM.

Ciidamadan dheeraadka ah ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tirada ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ka dhigeysaa ku dhawaad 10,000 oo askari kuwaasoo 4400 oo ka mid ah  ay yihiin kuwo ka socda dalka Burundi, halka inta soo hartayna ay ka socdaan dalka Uganda.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho oo garab siinaya kuwa Dowladda KMG ayaa waxa ay beryahan dambe dagaalo qaraar la galayeen xoogagga Xarakatul Shabaab ee sida aadka ah u diiddan joogitaankooda dalka iyo jiritaanka Dowladdaba.




Add New Comment