Taliska Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya oo soo bandhigay Hub ay Ciidamadooda ka soo qabqabteen degmooyinka ay ka arimiso dowladda KMG.

Taliska Booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu maanta soo bandhigay hub ay Ciidamadooda ka soo qabqabteen degmooyinka ay ka arimiso dowladda KMG Soomaaliya kadib howlgalo ay halkaasi ka sameeyeen.
Kadib Shir Jaraa’id oo maanta gudaha magaalada Muqdisho uu ku qabtay Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Dowladda KMG ee Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise ayaa waxa uu kaga hadlay Howlgalo maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen degmooyinka ay maamusho Dowladda KMG ee Soomaaliya.

 
C/laahi Xasan Bariise waxaa uu sheegey in howlgaladii Ciidamadooda ay ka sameyeen qeybo kamid ah goobaha ay ka taliso Dowlada KMG ay ku soo qabteen hub faro badan kuwaasi oo isugu jira Rasaas, Bambaanooyin iyo Qoryo sida uu hadalka u dhigey isagoo carabka ku dhuftay in hubkaasi ay lahaayeen xoogaga kasoo horjeeda jiritaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya.

 
Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliiska ee Dowlada KMG Soomaaliya waxaa kaloo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dhalinyaradii hubkaasi sidatay islamarkaana ay xabsiga dhigeen halka kuwo kalana uu sheegay in ay ku raadjoogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

 
Sidoo kale Bariise waxaa uu maanta Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Duqeymihii iyo Dagaaladii maanta ka dhacay qeymo kamid ah magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaaxeyay ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Xoogaga kasoo horjeeda.

 
Waxa uu sheegay in weerarkii saakay uu ahaa mid ay soo qadeen Xoogaga Dowlada kasoo horjeeda islamarkaana waxa uu sheegay in ay iska caabiyeen qoladii weerarka soo qaadey sida uu hadalka u dhigay.

 
Ma’ahan markii ugu horaysay oo Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ay howlaglo ay ku soo qabqabtaan Hub iyo waxyaabo kale ay ka sameyaan qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Add New Comment