Dagaallo maalintii saddexaad ka dhacay Muqdisho iyo Maamulka G/ Banaadir oo shacabka ugu baaqay inay ka baxaan Magaalada

Dagaallo iyo duqeymo xooggan ayaa maalintii saddexaad maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo dagaalkan uu daba socday dagaallo ka dhacay waqooyiga Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Khasaaraha illaa iyo hadda ka dhashay dagaalladii iyo duqeymihii saakay dhacay ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan 4-qof oo dhimasho iyo dhaawaca 10-qof oo dhammaantood rayid ah.

Madaafiic xooggan ayaa lagu garaacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley halkaasoo ay ku sugan yihiin dad aad u yar oo ku haray Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka qaar ay saakay ka barakacayaan degmooyinka waqooyiga.

Dhanka kale, guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Nuune oo isaguna la hadlay saaxafadda ayaa wuxuu ugu baaqay dadka ku harsan Muqdisho inay isaga baxaan, si aysan khasaare uga gaarin dagaallada ay dowladdu qaadayso.

"Shacabka Muqdisho waa inay ka baxaan degmooyinka ay saameynta ku yeesheen dagaallada iyo kuwa laga yaabo inay saameynta ku yeeshaan, waayo waxaa lagu wadaa inuu goor dhow bilowdo dagaalkii ay dowladdu ku baaqday" ayuu yiri Eng. Nuunne.

Hadalka guddoomiyaha Gobolka ayaa imaanaya iyadoo lagu wado in Madaxweyne Sheekh Shariif uu maanta dib ugu laabto Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee ay dowladdu dagaallada ku qaadayso mucaaradkeeda.
 

Add New Comment