Fanaanka Maxamed Suleymaan Tuubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka


Allaha u naxariistee waxaa saakay cussbitaal ku yaalla waddanka Jarmalka ku geeriyooday fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo ku magac dheeraa Boqorkii Codka, kaddib markii uu muddo halkaasi ku xanuunsanayey.

Marxuum Maxamed Suleymaan ayaa waxa lagu xusuustaa in uu ahaa fanaankii Soomaaliyeed ee heesihiisa loogu dhageysiga badnaa, sidoo kalena ay dadka Soomaaliyeed intooda badan isku raacsan yihiin inuu ahaa fanaankii ugu codka macaanaa fanaaniinta Soomaaliyeed, taasoo uu ku muteystay in loogu yeero Boqorkii Codka.

Waqti gaaban ka hor ayey ahayd markii guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Tatrsan uu hobolka u diray lacag gaareysay 20 kun oo dollar oo ay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iska soo uruuriyeen, kaddib markii warbaahinta Soomaalida lagu sheegay codsi ka yimid fanaanka.

Allaah ha u naxariisto Maxamed Suleymaan ayaa ifka kaga tagay 32 ruux oo isugu jira wuxuu dhalay iyo wax ay sii dhaleen, marxuumka ayaa waxa Allaah loogaga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa - AAMIIN -

Add New Comment