Madaxweyne Xasan Sheekh “Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka”


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo  ee dalka Japan iyadoo garoonka ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan ee uu ka mid ahaa safaiirka Japan  ee Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha  oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud  Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraa dalka Japan Shinzo Abe ayaa kala hadlaya xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya sida Kalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.

“Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya  iyo Dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya,  dadaal  Dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan l qaadan doonaa Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima.

tokyo_b.jpg


Add New Comment