Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in ay gurmad deg-deg ah gaarsiinayaan goobaha laga saaray nabad-diidka Al-shabaab


Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo ay weheliyaan qaar kamid ah ah xubnihiisa Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Safiirka Britain, Safiirka Turkey, Imaaraadka iyo xubno kale.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan deeganada dhowaan laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab isla markaana looga dhaqan galin lahaa deegaanadaasi adeegyada bulshada ee aas aasiga ah sida Amaanka iyo Maamul.

“Waxaan kala hadlayay xubnaha Beesha Caalamka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qorshaha dawladda ee gurmadka loogu fidinayo dadkeena Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha aan ka xoraynay kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Waxaan gaarsiin doonnaa biyaha, cunada, waxbarashada anagoo sugayna amaanka goobahaasi.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in ay xukuumaddiisu juhdi badan galin doonto sidii dib-u-xoraynta kadib looga hirgalin lahaa goobahaasi xasilooni iyo garab-istaaga shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay ku hayeen kooxahaasi dhagar qabayaasha ah.

Wasiirka Arimmaha Gudaha oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta kulankaasi kadib ayaa sheegay in sidoo kale ay deeganadaasi gaari doonaan xubno kamid ah Golaha Wasiirada si ay u qiimeeyaan waxyaabaha ay dadku u baahan yihiin iyo hubinta xasiloonida goobahaasi laga saaray Nabad-diidka.

Xubanaha kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in ay ka qaybgali doonaan gurmadka ay dawladdu u tahay hormuudka.

Safiirka dawladda Turkey u fadhiya Soomaaliya ayaa intii kulanku uu socday waxaa uu sheegay in dawladiisu ay dib u bilaabi doonto miisaaniyadda ay ku kabi jirtay dakhliga dawladda Soomaaliya.

statsministeren.jpg


Add New Comment